Ka hortagga xanuunada ku dhaca beeraha waa tallaabooyin la qaado si loo yareeyo ama loo joojiyo faafidda cudurrada waxyeelleeya dhirta, dalagga, ama geedaha beeraleyda. Cudurrada waxaa keeni kara bakteeriyo, fangas (fungi), fayrisyo, ama cayayaan keena dhibaato.
talooyin muhiim ah oo ka hortag u ah cudurrada beeraha:
Dooro Abuur Tayo Leh

Isticmaal Abuur lasoo hubiyay oo ah kuwa u adkaysan kara (resistant) cudurrada.
Ka iibsado meel la hubo ama xarumo la aqoonsanyahay ,hana isticmaalin abuur aad gacantaada ku diyaarisay.
Nadiifi Qalabka Beerta
Qalabka beeraha si joogto ah u nadiifi si aadan u faafin jeermiska.
Ka fogow isticmaalka qalab wasakh ah oo lagu soo isticmaalay beer cudurku ku dhacay.
kala bedelka Dalagga (Crop Rotation)
Ha ku beerin dalag isku bah ah waxka badan sadexsano hal meel.
Dalagga kala duwani waxay yaraynayaan faafidda cudurrada.
Tusaale ahaan yaanyada iyo busbaasku waa isku bah (family).
Waraabi geedka si sax ah

Ha waraabin si xad dhaaf ah: biyaha badan waxay keeni karaan xidid qurun(root rot).
Waraabi aroorta hore si dhirtu ay u engegaan galabtii.
Daryeel u samee Dhirta
Si joogto ah u baadh geedaha si aad u ogaato calaamadaha cudurka.
Isticmaal muraayad weyneyso ah(lens), si aad u ogaato hadii ugxan cayayaaan ay mesha taalo amase astaamihii cudurka.
si deg deg ah u Jar laamaha ama caleemaha cudurka qaba si uusan ugu faa’in inta kale.
Ka ilaali Cayayaanka beertaada

Cayayaanku waxay u gudbiyaan cudurrada dhirta.
adeegso dawo cayayaan-dile ah.
isticmaal Dawooyinka Beeraha
waxaad Isticmaal fangas-dile (fungicides) ama bakteeriyo-dile haddii loo baahdo.
La tasho khabiir beeraley si loo ogaado daawada ku habboon.
Ka saar beerta dhirta Cudurka Qabta
Haddii geedo qaar ay si xun u jiran yihiin, ka saar beerta si aanay cudurku ugu faafin kuwa kale. Meel banana ah geey kadibna gub.
Waxaad ka digtoonaataa inaad adigu faafiso cudurkii adigoo taabanaya geedkii cudurka qabay kadibna kuwa kale taabanaya.
Xakamee Xoolaha & Dadka ku dhex socda beerta
Xooluhu waxay fidin karaan jeermiska.
Dadka soo gala beerta ha ilaaliyaan nadaafadda ,gaar ahan kuwa ka yimi beer uu cudur ku dhacay.
Adeegso Nafaqo Sax ah

Bacriminta wanaagsan waxay xoojisaa difaaca dhirta.
Ha ku darin bacrimin xad dhaaf ah, gaar ahaan nitrogen-ka

walaal ari baa naftii iikeenay