sidee loo beeraa yaanyada?

Hordhac

yaanyadu waxay kamid tahay dalagyada ugu badan ee si maalinle ah loo isticmaalo caalamka oo dhan ,waana midkamida kuwa ugu caansan ee aadanuhu beertaaan. Beerista yaanyada waa shaqo xiiso iyo faa’iido leh haddii si sax ah loo qorsheeyo.

haddaba halkaan waxaan kugula wadaagi doonaa tallaabooyin muhiim ah laga bilaabo dhul diyaarinta ilaa goosashada oo ay muhiim tahay inaa raacdo.

Diyaarinta dhulka

Ciidda ugu habbon in lagu beero geedka yaanyada waa ciid madowda,waayo ciida madow waa ciida ugu nafaqo badan ciidaha.

waa in si fiican loogu bacrimiyaaa bacrimiyaasha dabiiciga ah sababtoo ah iyagu waxay waqti dheer anfacayaan geedka. sidoo kale ciidu waa inay ahaataa mid biyaha u haynaysa geedka ee aanay ahayn mid ay biyuhu kawada dusayaan sida ciida niiska oo kale. sidaa si lamid ah mana aha inay biyuhu ku qotomaan geedka sababtoo ah waxa ka dhalankara xanuuno sida xanuunka loo yaqaan xidid qurunka (root rot).ph ka ciidu waa inuu ahaadaa inta u dhaxaysa 6 ilaa 6.8.

Doorashada Abuurka

Waxaa muhiim ah in la isticmaalo abuur tayo leh oo ku habboon deegaankaaga, gaar ahaan noocyada u adkaysta kulaylkaiyo cudurka. ka fogow inaa istcmaasho iniinyo laga keenay beer cudur qabta.markasta abuurkaagu waa inuu ahaadaamid la hubiyay tayadiisa.

Shubista abuurka

Abuurka marka hore waxaa lagu beeraa meel xanaano ah oo aad loo hubiyay inuu ka helayo cimilo wanaagsan sababtoo ah waqtigan geedku weli ma xoogsan wuxu u baahnayhaay daryeel dheeraad ah.waxaana lagu xanaaneeyaa meeshaasn 4-6 todobaad. waa in si joogto ah loo waraabiyaa abuurka lagana ilaaliyaa cayayaanka duraya.

Xawilidda abuurka

Marka geedku gaadho 15 ilaa 20 cm dherer, waxaa loo wareejiyaa meeshii loo diyaariayay.waana inay noqotaa meshaasi meel cadceed badan leh sababtoo ah yaanyadu waxay ka mid tahay dhirta waqti dheer u baahan ilayska cadceeda(long day plants). sidoo kale waa in lakala fogeeyaa dhirta.

daryeelka geedka

Geedka wuxuu u baahan yahay waraabin joogto ah, bacriminta NPK iyo in ulo iyo xarig loo taago si uu geedku uga badbaado cusbada iyo biyaha uu laamaha dhex dhiganayo,haddi uu biyaha dhexyaalo ama cusbadii ay taabanyso waxay keenaysaa inuu cudurkii sahlanaaado ama geedkii gubto hadii aan loo samayn wax haya.sidoo kale waa in la jaro laamaha yaryar ee aan miro dhalin.

Ka Hortagga Cudurada iyo Cayayaanka

Kormeer joogto ah ayaa muhiim ah si looga hortago cayayaanka iyo cudurada, iyadoo la adeegsanayo dawooyinka dabiiciga ah ama kiimikada haddii loo baahdo.

Goosashada

Yaanyada badanaa waa la goostaa 60 ilaa 90 maalmood ka dib beerista, waxaana lagu kaydiyaa meel qabow si aysan u qudhmin.waxay u baahantahay yaanyadu in la nafaqeeyo markii miraha laga guroba si ay u koriso mirihii yaryaraa amase awood u yeelato inay soo saarto ubax cusub.

haddaba yaanyadu waxay kamid tahay dalagyada ugu badan ee caalamka lasoo saaro waxaana ugu wacan waxaa si maalinle ah loogu isticmaalaha meelo kala duwan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *