Waa maxay greenhouse?
greehouse ku waa dhisme loogu talagalay in lagu koriyo dhirta iyadoo an la tixgelinayn caqabadaha lagala kulmo cimilada.greenhouseku wuxuu kamid yahay farsamooyika casriga ah ee hadeer la isticmaalo si wax loo beero sanadkoo dhan.beerta dadan waxa geedkasta la siinaya cimiladii uu u baahnaa tusaale ahan heerkulku u baahnaa, ilayskuu u baahnaa, iyo biyuhuu u baahnaa.
beerta dadan waxay dhirta ka ilaalinaysaa cayayaankii dhirta cuni lahaa ama kuwii gudbin lahaa cudurrada.
Faaidooyinka greenhouseka
- cayayaankiii baa adkaanaya inay soo galaan ,sidaa darteed waxa yaraanaya fursadaha uu beertaadu cudur ugu dhici karo.
- sanadkoo dhan baa wax lagu beeri karaa
- waxsoo saarku wuu badanayaa maadaama geedkii waxkasta oo uu u baahnaa lasiiyay.
- waxa lagu rakibi karaa qaboojiyaal hada joogto meel kulul ama kululayliyaal haddii aad joogto meel qabow.
- dabayshii geedka jabinaysay baa yaraanaysa.
- dhaqaalihii aad ku bixin lahayd beer aad u weyn iyo cayayaan dile farabadan way yaraanaysa.
Nooocyada greenhouseka
A. noocyada greenhouseka iyadoo loo fiirinayo waxa lagu dedayo
1. mid bac lagu dedo
bacda aad baa loo isticmaala ,qiimaheduna wuu hooseeyaa.
wey fududahay inaa samayso , laakiin dhibteedu waxa weeye way jeexmataa weliba meelaha dabayshu ku badantahay waxayna kaaga baahantahay inaad bedeshid.
2. mid dhalo lagu dedo
dhaladu markii ugu horeeysay iyada loo isticmaalay greeenhouseka in lagu dedo welina booska koowaad ayay ku jirtaaa.
iftiiin gudbinteedu aad bay u wanaagsantahay
dabaysha wuu iska caabisaa ,waqti badanna way kuu jiraysaa, laakiin dhibaatoyinka ay leedahay waxa kamid ah waa qaali ,sidoo kale waxay dhaladu u nugushahay inay jabto.
3. mid lagu dedo xaashiyo polycarbonate ah oo adag
polycarbonate ku waa adag yahay, wuxuuna u adkeysan karaa dabaylaha xooggan, roobka culus, iyo barafka, taasoo ka dhigeysa mid cimri dheer leh.
waxyaabaha uu ku wanaagsanyahay waxa kamid ah Kuleyl Haynta (Thermal Insulation), iftiinka iyo Cimri Dheerida (Long Lifespan) , wuu ka badbaado badan yahay dhalada,inuu jabona aad bay u adagtahay.
haseyeeshee Qiimo ahaan wuu ka qaalisan yahay bacda ,Rakibiddiisuna waxay u baahan kartaa xirfad dheeraad ah.Culeyskiisu wuu ka badan yahay walxaha kale, taasoo u baahan karta saldhig adag.
B. Noocyada greenhouseka marka loo fiiriyo nooca qaabdhismedkiisa
1. mid alwaax lagu taago
kuwa kale waa ka raqiisan yahay, xirfad dheeri ah uma baahna,haseyeeshee wuxu u unugulyahay aboorka wuxuuna u baahnaan doonaa dayactir joogto ah.
waxa lagaga ilaaaliya inuu aboorku cuno chemicals kuwaasoo la marinayo alwaaxa sida copper naphtanate or zinc naphtanate.
2. mid bir lagu taago
birtu way ka adagtahay , wayna ka adkaysi badantahay alwaaxa ,waqti dheerna way jiraysaa , wayna fududahay in la taago.
biraha ugu fiican waxa ka mid ah allumnium alloy oo ah mid u adkaysan karta daxalka ,aadna u fudud.
sidoo kale waxaa loo isticmaali karaa birta steel loo yaqaan iyaduna ah bir ka kharash yar allumniumta.
hadaba si aad u hormariso waxsoosaarka beertaada ,waxna u beerto sanadkoo dhan ,ugana adkaatid cayayaanka iyo cimilada qalafsan waxaad isticmaashaa greenhouseka.
wixii talo iyo tusaale ah haddii aad maskaxdaada ku haysid nagula wadaag qaybta commentiga.