waa maxay cayayaanka tuta absoluta (magaffaha)?
Cayayaanka Magaffaha soomaalidu u taqaan (tuta aboluta) waa cayayaan aad iyo aad dhibaato ugu haya beeralayda caalamka waana mid kamida dhibaatooyinka ay wajahdo dalagga yaanyadu.
Cayayaankani asal ahaan wuxu kasoo jeedaa koonfur ameerika gaar ahaan wadanka peru.
cayayaankan waxa aad ugu nugul dalagga yaanyada ,wuxuuna waqti yar gudihiis ku burburayaa dalag aad u baaxad weyn dhir iyo miraba.

Sidee cayayaaka magaffuhu u saameeya yaanyada?
yaanyadu waxaay ka mid tahay dalagga u nugul cayayaankan ,wuxuuna faraba’an ku hayaaa beeralayda soomaalida isagoo ka dhigay inay sanadkasta khasaaraan dhaqaale aad u badan waqti yar gudihiis.
cayayaanka tiisa dheddiga ah ba waxay dhigta ugxanta caleemaha, laamaha iyo jiridda hoostooda ee geedka yaanyada.marka ay ugxantu dilaacdona ,dhalaankii yar yaraa waxay cunis ku bilaabayaan geedkii waxka yar saacad.
marka uu cayayaankani marayo heeerkan wuxuu u nugul yahay in la isticmaalo sunta cayayaan dilaha ah waana fududaahay in la xakameeyo.
Calaamadaha lagu garto
calaamadaha lagu garto kuwa ugu caansan waxa kamid ah
1.xariiqimo cad cad oo kasoo muuqaanaya caleenta geedka sida sawirka hoose ka arki kartid.

2.miraha yaanyada oo daldalool mad madow lagu arko korkooda

3.madaxa sare ee geedka oo aad ku arkaysid cunitaan.

4.caleemaha oo daata iyo geedkoo dhinta gebi ahaanba.
Heerarka uu maro cayayaanka magaffuhu
1. Ukun (Egg stage)
-
dheddiga Tuta absoluta waxay dhigtaa 250 ilaa 300 oo ukun noloshooda dhan..
-
Ukunta waxaa la dhigaa dusha caleemaha, laamaha, ama miraha yaanyada.
2.Larva stage)
-
Markay ukuntu dillaacdo, waxa so baxa larva (caaro yar) oo ah heerka ugu waxyeellada badan.
-
heerkan wuxuu gali karaa caleemaha, miraha, iyo jirida, burburka ugu weyna wuxuu u geystaa cayayaankani markuu heerkan marayo.
3. Pupal stage
-
Marka uu heerka labaad dhamaysto marxaladda cunista, wuxu isu rogaa pupae.
- Pupae-ga waxaa ku jira duqsigii weynaa oo diyaar u ah inuu soo baxo.
4.Adult moth stage
-
Tani waa duqsigii weynaa ee Tuta absoluta.
-
Waa duqsi yar oo cirro-cirro ah (silver-grey), dhererkiisuna yahay 6–7 mm.
-
Muuqaal ahaan aad bay u yar tahay, laakiin waxay leedahay baalal dhaadheer oo leh dhibco madow.
- heerkani waa heerka uu tarmo ,marka waxa haboon kuwa duulaya ee ugxanta dhigaya in laga hortago si aanay kuuugu dhalin.
Sidee Beerta looga maareeyaa cayayaankan ?
dhibaatada uu leeyahay cayayaankani waxa weeye ,inta badan sumaha cayayaan dilaha waxba kama taraan oo waa uu iska caabiyaaa.
maaraynta ugu wanagsan waxay timaadaa marka aad isticmaasho sumaha cayayaan dilaha ka hor inta uusan waxyeello wayn gaarsiin.
ugu horeyn waa inaad isticmaashaa habka isku dhafan ee maaraynta cudurrada beerta ka hor beeridda geedka ee loo yaqaan integrated pest management (IPM) tusaaale ahaan ciidda waa inaad qoraxaysaa ,abuur adkaysi leh oo lasoo hubiyay wa inaa isticmasha ,kuwa dhalaya ugxanta wa ina la dagaalanta, nafaqada waa inaa isku dheelitirtaa iwm.
hadii laga maarmi waayo sunta cayayaan dilaha inaad isticmaasho waxaan kula wadaagi doonaa sumaha ugu fiican ee wax ka taraya cayayaankan.
1. Belta SC 480
2. Emmaron 30 SC
3. Dynamic 1.8 EC
4. Escort 19EC
5. volium targo 063EC
shantaas cayayaan dile waa shanta ugu caansan ee loo isticmaali karo cayayaanka magaffaha(tuta absoluta) uguna saamaynta badan , waxayna awood u leeyihiin inay dhexgalaan caleenta lakabkeeda sare oo cayayaankana ay dilaan.
haddii aad wax talo ah ku biirinayso beeralayda soomaaliyeed fadlan qaybta commentiga noogu reeb.

safe marijuana delivery ensures privacy and reliability